Naby Keita oo ka qeyb qaadan doona ciyaarta Finalka Champions League ee Liverpool vs Real

Jurgen Klopp ayaa shaaciyay in Naby Keita uu ku Marti qaaday daawashada ciyaarta Liverpool ee Champions League final ay kula ciyaareyso Real Madrid Bishaan dabayaaqadeeda.

Liverpool waxay la ciyaari doontaa kooxda heysata koobka Yurub ciyaar ka dhici doonta magaalada Kiev marka ay May 26 tahay.

Keita, waxaa macno weyn leh in uu Sanad ku bixiyay kooxda RB Leipzig tan iyo markii uu dhammeystiray heshiis uu ugu wareegay garoonka Anfield horraantii xagaagan, iyadoo £50 milyan oo Gani ay ku iibsatay Reds.

Laacibka Khadka dhexe ayaa la kulmi doona xiddigaha kooxdiisa cusub, iyadoo Klopp uu laacibkiisa cusub ku marti qaaday kulan ay ciyaareyso kooxdiisa Liverpool.

‘Haddii Naby uu doonayo inuu yimaado finalka, waan Marti qaadayaa,’ waxaa yiri Klopp.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: