Messi oo Markiisii 5-aad Taariikhda doonaya inuu qaato Abaalmarinta Gooldhaliyaha ugu Sarreeya Yurub

Lionel Messi wuxuu baaqi kusii yahay 2017/18 Tartanka loogu jiro Abaalmarinta Kabta Dahabka ah, {Golden Shoe} keddib markii uu dhaliyay gool kale oo LaLiga ciyaartii Barcelona ay ka badisay Villarreal.

Messi ayaa hadda 3 ka horreeya Liverpool laacibkeeda Salah

Messi wuxuu dhaliyay gool kaliya, Arbacadii markii ay 5-1 guul ah ku gaareen garoonka Camp Nou wuxuuna sidaas ku gaaray 34 gool Sanadkaan.

Ninka ugu soo dhow waa, Liverpool wiilkeeda Mohamed Salah, oo leh 31 gool ka gadaal markii uu labadii kulan ee ugu dambeysay Premier League uusan gool dhalin. Laacibka dalka Masar ayaana hadda tartan kula jira Messi oo 2 kulan heysta LaLiga, waana kuwa ay la ciyaarayaan Levante iyo Real Sociedad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: