Ma Liverpool ayaa la wareegtay Nabil Fekir iyo Ousmane Dembele? Milkiilaha Reds oo ka hadlaya!!

Liverpool milkiilaheeda John Henry ayaa wacad ku maray in kooxda maalgelin fiican lagu sameyn doono isagoo ka hadlay doonista kooxdiisa ee Lyon xiddiggeeda Nabil Fekir iyo wiilka Barcelona Ousmane Dembele.

Warar ayaa usoo jeedinayay kooxda in ay xiiseyneyso saxiixa xiddigo dhowr ah, Axaddii ayaana la wariyay in kooxda Merseyside ka dhisan ay kula heshiisay £62m laacibka Fekir isla markaana ay damacooda u weeciyeen Dembele, laacibkaas oo Jurgen Klopp uu si weyn u garanayo.

Mar la su’aalay wax ku saabsan labada ciyaartoy, iyo qorshaha kooxda Liverpool ee suuqa soo socda, Henry meesha kama uusan saarin doonista xiddigo ee kooxda, mana uusan xaqiijin in kuwa ay dooneyso ay yihiin labadaas laacib.

Kooxda ayaa la hadashay Fekir iyo Dembele, Qorshaha suuqa soo socda ee haddii uu runyahay Liverpool wey keeni doontaa ciddii aan dooneyno sidaas ayuu u sheegay BBC: ‘[Taageerayaashu] ma joojin doonaan in ay ka walaacsanaadaan yaa imaanaya, keebaa ugu muhiimsan kuwa soo socda, iyo kumaa ka tegaya kooxda.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: