Liverpool oo ku Tababaraneysa Xero ku taalla Marbella, ka hor kulanka Real Madrid ee Final-ka Champions league

Liverpool ayaa hadda u diyaar ah ciyaar adag, waxayna xero Tababar oo Cimiladeedu Qorraxeed tahay ka ijaaratay Marbella.

Waxaa jira 10 maalin oo ka harsan kulanka Real Madrid ay foodda is gelinayaan wiilasha Klopp, Balse Arbacada, Naadiga dalka England ayaa u safray Spain si uu halkaas uga billaabo 4 maalmood oo shaqo Adag ah.

Liverpool ayaa horayba loo rumeysanyahay in aysan dhib yareyn marka la joogo Champions League.

Isbeddelka deegaan Tababarasheedka Melwood ma aha mid cusub, waxaana horay ay February ugu soo jimacsadeen halkaas 10 maalmood oo Nasiino iyo Ciyaar la’aan ahaa keddib, waxay markan xaqiijiyeen in ay soo aadeen Champions League Sanadka dambe.

Kaliya digniinta Klopp ee maalmaha soo socda waa xiddigaha Safka kusoo laaban doona iyo kuwa maqan.

Waxaa jira tiro ciyaartoy ah oo la filayo in ay kulankan Seegaan.

Joe Gomez iyo Matip ayaa la shaaciyay in aysan ciyaari doonin tan iyo Ciyaaraha Fasaxa ee soo socda, iyadoo Oxlade-Chamberlain, uusan ciyaari doonin tan iyo November.

Emre Can iyo James Milner ayaa soo kabasho ku jira, in kastoo la shaaciyay in Adam Lallana uu dib ugu soo laabtay Tababarka kooxda Axaddii.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: