Laurent Koscielny oo 6 Bilood ka Maqnaanaya Safka kooxdiisa iyo Faransiiska

Sida ay sheegayaan wararkii u dambeeyay ee goordhow lagu daabacay wargeyska Daily Mail ee kasoo baxa dalka England, laacibka Laurent Koscielny ee difaaca uga ciyaara Arsenal ayaan garoomada imaan doonin 6-da bilood ee soo socota.

Wuxuu seegayaa Koobka Adduunka, sidoo kale qeyb ka mid ah Ciyaaraha Horyaalka ee Xagaaga dambe kulamada ugu horreeya ma ciyaari doono.

Kooxda Caafimaadka ayaa baaritaan keddib sidaas sheegay.

Wuxuu ku dhaawacmay 10-kii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaar kooxdiisu la qaadatay naadiga Atletico Madrid oo loogu Gudbayay Finalka Europa league, markaas oo Arsenal lagu reebay wareegga 4-ta kooxood.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: