Inter oo ku dhawaaqday qiimaha lagu iibsan karo laacibkeeda Brozovic

Tuttosport ayaa warisay in Inter xiddiggeeda Marcelo Brozovic uu jiro qiimo la yaqaan oo lagu jebin karo heshiisa uu kooxda kula joogo, Balse Nerazzurri waxay sheegtay in ilaa hadda aan qiimahaas koox soo bandhigtay la heynin.

Laacibka 25-jir ah Brozovic wuxuu ku biiray Inter Jiilaalkii 2015 wuxuuna Safka joogtada ah ka helay kooxdan. Xagaagan, wuxuusan fursad u helin safka joogtada ah. Wuxuuna ciyaaray 29 mar ciyaaraha Serie A, wuxuuna kusoo billowday 19 mar oo ka mid ah ciyaarahaas. 4 gool ayuu dhaluyay, 9 kalena waa uu caawiyay.

Joornaalka maalinlaha ah ee kasoo Baxa Talyaaniga Tuttosport wuxuu sheegay in kooxdu aysan iibin doonin Brozovic haddii la waayo koox bixisa qiimaha heshiiskiisa lagu jebin karo.

Ka hor 2018, Inter waxay isu diyaarineysay in ay iibiso Brozovic, wuxuuse ku nasiib badanyahay in ciyaartiisa ay taageerayaashu jecelyihiin.

Inter waxay ku heshay laacibka dalka Croatia qiimo dhan 20 milyan oo Yuuro goor hore, balse hadda laguma iibin doono wax ka yar qiimaha lagu jebin karo heshiiskiisa oo ah 50 milyan oo Yuuro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: