Eden Hazard maku biiri doonaa Jose Mourinho & Man Utd?

Eden Hazard ayaa ka hadlay wararka la xiriirinaya inuu ku biirayo kooxda Manchester United iyo macallin Jose Mourinho oo dalab gaarsiiyay isaga, si uu isaga dhaqaaqo kooxda Chelsea.

Laacibka dalka Belgium waxaa heshiiskiisa ka harsan 2 sano iyadoo kooxda Chelsea ay isku deyeyso iney heshiiska u badiso 27-jirkan, in kastoo uu goor hore ku gacan seyray Qandaraas badanta.

Manchester United iyo Manchester City ayaa labadaba lala xiriirinayaa Hazard, isaga qudhiisuna aad ayuu u jecelyahay ka mid noqoshada kooxda Real Madrid.

Mar la su’aalay haddii uu ka tegayo kooxda Stamford Bridge inta lagu jiray Muuqaal looga qabtay A Star Barbers, Hazard wuxuu meesha ka saaray inuu aadi doono Old Trafford.

Hazard ayaa aqriyay farriin uu taageere soo diray oo uu uga codsanayay inuu ku biro United balse Hazard wuxuu uga jawaabay qosol: ‘Fursad uma hayo. Ayuuna sii raaciyay’

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: