Busquets oo doonaya Mushaar Kordhin

Barcelona ayaa ku qasbanaan doonta in ay Lacag ku ilaashato xiddigaheeda muhiimka ah oo uu ku jiro Sergio Busquets.

Shaqada laga doonayo, waxaa ka mid ah in ay xiddigo kale oo waaweyn safka keento.

“Arrintani waa mid gaar ah oo indhaha lagu wada hayo,” Kooxda ayaa u sheegtay MARCA.

Heshiis horudhac ah oo kooxdu ay la gaartay Maarso laacibka Arthur Melo, oo la shaaciyay in uu kusoo dhaqaaqi karo Suuqa 2019-ka.

Antoine Griezmann, ayaa sidoo kale ka tegi doona Atletico Madrid kaasoo ay Barca ka bixin doonto lacag dhan 100 milyan oo Yuuro.

Barcelona ayaa Sanadka soo socda looga fadhiyaa isbeddel Muuqda iyo Barcelona ka duwan middii Sanadkan.

Sergio Busquets wuxuu kooxda u sheegay in uusan kusii shaqeyn doonin Mushaarkaas, isagoo sheegaya in uu doonayo Mushaar ka sarreeya kan uu hadda ku shaqeeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: