Barcelona waa iney iibiso Luis Suarez si ay usoo Hesho Antoine Griezmann!

BARCELONA ayaa iibin doonta Geesigii kooxda Liverpool Luis Suarez – haddii ay doonayaan saxiixa Antoine Griezmann – sida ay warinayaan wararka laga helayo Spain.

Keddib markii uu iska diiday kooxda Old Trafford Sanadkii hore, wiilkan oo 27-jir u dhashay dalka France ah ayaa la filayaa in uu ka dhaqaaqayo Atletico Madrid kuna biirayo Nou Camp dhammaadka xagaagan.

Kooxda Barca ayaa ku qasban in ay mid ka mid ah xiddigaha ugu ciyaarista wanaagsan ee kooxda iska iibiso ama ay keydka geyso.

Sida uu wariyay Radio Cataluna waxay ku qasbanaan doontaa in ay iska diraan 31-jirka u dhashay dalka Uruguay kaasoo lagu sheegayo inuu da’ ahaan kasii gudbayo Cimrigii loogu talagalay Weeraryahan ciyaaraya kubadda cagta Casriga ah.

Ousmane Dembele – ayaa ka yimid dalka Germany – waana kaliya 20-jir horumar ka sameyn kara kooxda Leo Messi ayaana dhankiisa weli u muuqda mid horumar ciyaareed Sameynaya weli ciyaaraha Barca.

Philippe Coutinho ayaa kaliya ka yimid Liverpool Bishii January halka Paco Alcacer uu isaguna ka mid yahay Weeraryahannada keydka Macquulkaa ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: