Warbixin ku saabsan kulanka Arsenal vs Atletico Madrid.

Arsenal ayaa waxaa lagu aadiyey kooxda Atletico Madrid Samafinaalka koobka Europe league lugta hore ee ciyaarta ay ka dhici doonto Emirates.

Kulankaasi wuxuu dhici doonaa 26-ka April, halka lugta labaad lagu ciyaari doono Wanda Metropolitano May 3-aad.

Kulanka ayaa sidoo kale noqon doona kulankiisii ugu horeeyay ee tartan caalami ah ee u dhaxeeya tababare Wenger iyo tababaraha Atletico Diego Simeone.

Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee labada kooxood ay ku kulmaan tartan rasmi ah, kaliya hal kulan oo saaxiibtinimo oo u dhaxeeya labada kooxood ayaa horey u dhacay.

Kooxdii ugu dambesey ee Egland ah oo ka badisa Atelitico Madrid waxaa ay ahayd Bolton Wanderers ciyaar ka tirsaneyd UEFA Cup xilli ciyaareedkii 2007-08.

Labada kooxood ayaa ku kulmay wareegga 32-aad. Kooxda Gary Megson ayaa ku badisay 1-0 ka hor inta aysan barbaro goolal la’aan ah kala kulmin garoonka Vicente Calderon.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




%d bloggers like this: