Robert Lewandowski: Meelna kuma aanan diidin in aan ku biiro Real Madrid

Diario AS ayaa soo xigatay Weeraryahanka Poland oo ka hadlaya cidda uu ku biirayo marka uu ka dhaqaaqo kooxda Bayern Munich.

“Real Madrid miyaa iigu xigi doonta? Ma garanayo. Isla waqtigaan waxaan uga jawaabo, waxaana diiraddu ii saarantahay kulamada nagu soo socda.

“Weli ma jiraan wax xiriirro ah oo aniga toos iigu soo dhacay balse xiisuhu wuu jiraa, waxaanna idiin sheegi karaa in aanan dhaheynin kuma biirayo Real Madrid haddii ay I doonayaan.”

“Ma ku hadlaa Afka Spanish-ka? Haa, waan ku hadlaa (qosol ayaana ku xigay hadalkiisaas..)…”.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




%d bloggers like this: