RASMI: Waxaa lasoo saaray 6-da laacib ee u sharraxan xilka xiddigga ugu wanaagsan ee Premier League, 3 waa Man City

Sanadka 2018 PFA xiddigga horyaalka England ugu wanaagsan ayaa la qiimeyn doonaa, iyadoo xiddigaha u tartami doona lasoo Calaameeyay:

Kooxda Man City ee horyaalku usii Carbuunanyahay ayaa waxay tahay naadiga leh xiddigaha tartamaya kala Barkood, barka kalena waxaa kala qeybsaday, Liverpool, Man Utd iyo Tottenham.

Kaliya laacibka Difaacyo iyo Goolhayeyaal Abaalmarinta uga tartami doona waa David De Gea, kaasoo shabaqa u ilaaliya kooxda Man Utd.

  • Mohamed Salah
  • Kevin de Bruyne
  • Leroy Sane
  • Harry Kane
  • David de Gea
  • David Silva

Laacibka Sanadka ee horyaalka England, waxaa lagu dhawaaqi doonaa Axad, April 22-keeda inta ay socoto Xafladda Abaalmarinnada ee ka dhici doonta magaalada London.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




%d bloggers like this: