Itoobiya iyo Zanzibar oo laga Saaray Koobka CECAFA U-17 ee Burundi ka socda, Sababta Aqriso!

Waddamada Itoobiya iyo Zanzibar ayaa laga saaray tartanka Kubadda Cagta ciyaartooyda da’doodu ka yartahay 17 jirrada kaddib markii lagu helay ciyaartooy ka weyn da’da loo oggolyahay Tartanka.

Guddiga Qaban qaabada Tartanka ee SECAFA ayaa waxaa ay sheegeen xulka matalayay Zanzibar laga helay 12 ciyaartooy oo ka weyn da’da 17 jirrada halka Itoobiya laga helay 3 ciyaaryahan.

Itoobiya waxaa ay kulankii 1aad 3-1 uga badisay Soomaaliya,waxaana markii lagu helay kaddib la ganaaxay $5,000 oo doollar iyo in ciyaartooydii laga saaray hayeeshee waxaa ay Xulka Itoobiya diideen in ay tartanka ka siiq eyb ahaadaan sidaas ayaana lagu saaray.

Xulka Zanzibar ayaa iyaguna gadood ka muujiyay,waxaana kulan guddiga qaban qaabada  Tartanka ku yeeshay  Caasimadda Dalka Burundi ayaa shaaciyay in labada dal laga reebay tartanka.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: