Isku Aadka wareega afar dhamaadka koobka UEFA Europa League oo la sameeyey,iyadoo Arsenal iyo Atletico Madrid la isku beegey.

Isku Aadka wareega afar dhamaadka koobka UEFA Europa League ayaa la sameeyaywaxaana muuqata in la soo hormarsiiyey kulankii finalka la rajeenaayey.

Arsenal ayaa ku aaday kooxda Atletico Madrid iyadoo lugta hore ay ka dhici doonto garoonka Emirates Stadium, halka lugta labaad lagu ciyaari  doono garoonka Wanda Metrapolitano.

Gunners ayaa qasab waxaa ku ah inay ka adkaato kooxda La Liga ka dhisan si ay u sii xajistaan riyadooda ku guleysiga Yurub, iyadoo Marseille ay wajihi doonto Red Bull Salzburg.

Waxaana kooxaha ay iskugu aadeen sidaan.

Marseille v Salzburg

Arsenal v Atletico Madrid

Kulamada lugta 1-aad ee semi-finalka champions League ayaa la ciyaari doonaa 26 bisha April oo ku beegan kamiis halka lugta 2-aad la ciyaari doono 3-da bisha May.

 

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




%d bloggers like this: