Horseed mise Heegan  yaa  galabta    fiinaalka koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa’uud hiigasn doona ?

Waxaa  galabta garoonka Wiish kulanka afar-dhammaadka     koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa’uud kuwada yeelan doona kooxaha  Horseed iyo Heegan.

Heegan oo tartanka  daafacaneysa ayaa kaalinta koowaad uga soo baxday  Group B halka Horseed ay kaalinta labaad uga soo gudubtay Group A.

Labada koox ayaa si weyn ugu xafiltama  tartanka waxuuse sanadkan xiiso laba dhinac ah u leeyahay Naadiga Horseed.

Koobkan waxaa loogu magacdaray taliyihii ugu horeeyay ee ciidanka Xoogga dalka jeneraal Daa’uud Cabdulle Xersi.

Koobkan waxaa lasoo gebogabeyn doonaa  10-ka April  waxaana  12-ka April ay ku beegan tahay  sanadguurada  maalinta Ciidanka Xoogga Dalka oo ay Horseed dooneyso  ay koobkan kula dabaaldegto.

 

Heegan ayaa  dhankeeda  iayana    2 qodob tiigsaneysa  ,   ug horreyn waxay dooneysaa in ay daafcato koobkan, marka xiga waxay  tiigsaneysaan  naadiga Horseed oo ay si weyn ugu xafiltamaan tartamada kale gedisan ee isboortiga   maadaama ay matalaan ciidamada   Booliska iyo kuwa Xoogga.

Kulanka ayaa galabta ka dhici doona garoonka Wiish

Saacadda: 4:00 Galabnimo

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: