Horseed mise Dekedda ,  Yaa maanta  hanan doona Koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa’uud 2018?

 

Waxaa maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 10-ka April garoonka Wiish lagu soo gebogabayn doonaa   koobka kubadda Kolayga Jeneraal Daa’uud 2018.

 

Koobkan  oo ay ka qeyb galeen 8 koox waxaa kama dambeysta isugu soo haray kooxaha Dekedda iyo  Horseed.

 

Waa marki labaad oo  xiriir ah oo ay Dekedda  fiinaal soo gaarto, waxayna dooneysaa in ay  gacanta ku dhigto kana baaqsato guuldaro oo ay   fiinaalka la kulanto.

 

Horseed ayaa  dhankeeda beegsaneysa in ay koobkan  hanato maadaama loogu magacdaray  Taliyihii ugu horeeya  Ciidanka Xoogga Dalka, Jeneraal Daa’uud, sidoo kale.

 

Horseed ayaa  wareega afar-dhammaadka  kasoo adkaatay kooxda   Heegan, halka Dekedda ay iyana soo dhaaftay Plasma Universirty.

 

Kulanka ayaa galabta ka dhici doona garoonka Wiish

 

Saacadda: 4:00 galabnimo

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: