BARO: 7 Ciyaartooy oo usoo Wada Ciyaaray Real Madrid & Bayern, Alonso iyo James Rodriguez ayaa ka mid ah!!

Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa ah kooxaha ugu badan ee ciyaaraha Bug Baxda Champions league isku Arkay Taariikhda, balse iyadoo xifaaltankaas uusan meesha ka marneyn, ayaa haddana waxaa jira in kooxahaas ay jiraan 7 ciyaartoy oo midkoodba uu usoo wada ciyaaray labada Naadi.

Seddax ka mid ah 7daas waxay ka qeyb qaadan doonaan semi-finalka ay hadda labada kooxood isku hayaan bishan gudaheeda, halka 4-ta kale ay horay ugu kala wareegeen labadaan naadi.

Hoos ka Aqriso, 7-da laacib iyo waayahoodii.

Paul Breitner

Laacibkii dalka Germany ayaa aaday Real Madrid isagoo ka tegay Bayern keddib markii uu qaaday Koobkii Adduunka ee 1974-tii.

Ze Roberto

Laacibka dalka Brazil ayaa qeyb ka ahaa Safkii Real Madrid ee hantay Champions League-gii 7-aad ee kooxda.

Arjen Robben

Waa laacib ka mid ah Safka Waqtigaan ee Bayern, Laba sano oo hore ayuu kusoo bixiyay kooxda Real Madrid.

Hamit Altntop

Wuxuu 5 sano oo waxqabad wanaagsan ah kusoo qaatay Bayern, balse bandhig fiican kuma uusan muujin markii uu tegay Caasimadda Spain.

Toni Kroos

Wiilkan reer German wuxuu ka mid yahay Safka Waqtigaan ee Real Madrid.

Xabi Alonso

Wuxuu 5 sano Door muhiim ah ka ciyaarayay Safka Madrid, keddibna ciyaarihiisa ayuu kusoo xiray Bavaria.

James Rodriguez

Laacibka Khadka dhexe ayaa hadda ku sugan Bayern waxaana Amaah ahaan u siisay Real Madrid oo ay wajihi doonto marka la gaaro dabayaaqada Bishaan xilli wareegga 4-ta kooxood ee Champions league ay isku arkayaan.


Fikradaha Akhristayaasha (0)




%d bloggers like this: