Arsene Wenger ‘Mkhitaryan wuxuu ku soo laaban karaa laba isbuuc gudahood’

Waxaa jiray cabsi ah in Henrikh Mkhitaryan uu seegi karo inta ka dhiman xilli ciyaareedka Arsenal, laakiin Arsene Wenger ayaa haatan rajeynaya inuu dib u soo kabsado ciyaaryahanka.

Arsene Wenger ayaa aaminsan in ciyaaryahanka khadka dhexe Henrikh Mkhitaryan inuu kasoo laaban karo dhaawac jilibka ah muddo yar labo isbuuc.

Mkhitaryan ayaa dhaawac jilibka ah kasoo gaaray kulankii lugta hore ee wareega 8da Europa League ee ay la ciyaareen CSKA Moscow, Wenger ayaana ka walwalsanaa xiddiga reer Armenia inuu maqnaan doono dhowr isbuuc.

Si kastaba ha ahaatee, isagoo hadlayay ka dib markii kooxdiisa ay barbaro 2-2 ah la gashay Moscow,waxaana celcelis ahaan ku badisey Gunners 6-3.

“Haa, waa dhaawac muruqa ah, waxana uu maqnaan doonaa labo isbuuc oo kale” ayuu Wenger ku sheegay shirkiisa jaraa’id. “Ha ka welwelin, waxaan leenahay shaqaale caafimaad oo wanaagsan” ayuu yiri.

 


Fikradaha Akhristayaasha (0)




%d bloggers like this: