Thomas Tuchel oo diiday in aado Arsenal, wuxuduu doorbidayaa PSG ama Chelsea

Thomas Tuchel ayaa shaaciyay in uu ku biirayo kooxda Chelsea ama Paris Saint-Germain halkii uu aadi lahaa naadiga Arsenal, xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in uu la heshiiyay kooxda Gunners.

Macallinkii hore ee naadiga Borussia Dortmund ayaa soo laabasho Mucjiso ah la filayaa in uu ka sameeyo kubadda cagta wuxuuna dhowaan iska diiday in uu ka shaqeeyo dalka Germany. Tuchel wuxuu horay meesha uga saaray in uu hoggaamin doono Bayern Munich wuxuuna sheegay in uu aadayo horyaal ka duwan Bundesliga.

Premier League ayaana halkaas ugu muuqday horyaalka eek u biirayo xeeladyahanka reer German, wwaxaana doortay isaga kooxaha Arsenal iyo Chelsea xilli labada kooxood ay doonayaan in ay fasaxaan macallimiintooda.

Labada naadiba waxay noqon doonaan macallin la’aan, iyadoo Arsene Wenger iyo Antonio Conte mustaqbalkooda uu cadaadis xooggan saaranyahay Tuchel ayaana ah macallinka beddeli doona isaga.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: