Ronaldo oo jebiyay rikoodh u yiil Nistelrooy, mid kalena dhigay, maxay kala yihiin?

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay mar kale, waxaana Real Madrid ay xaqiijisay sii joogisteeda Champions League keddib markii ay garaaceen kooxda Paris Saint-Germain.

Madrid ayaa horayba u heysatay 3-1 natiijo ah kulankii hore ee Bernabeu iyadoo kooxda La Liga ay hoggaankaas sii kororsatay daqiiqaddii 51-aad ciyaar dhacday Talaadadii xalay.

Ma aysan jirin fursado badan qeybta hore ee kulankii Parc des Princes balse Ronaldo ayaa Ilduuf la’aan gool uga dhaliyay PSG.

Casemiro ayaase diiday in uu ciyaarta Barbarro ku dhammeeyo Edinson Cavani oo goolka garab dhaca ah dhaliyay daqiiqaddii 71-aad waxayna ugu dambeyn 5-2 celcelis ah uga badiyeen kooxdan.

Laacib ay horay u wada joogi jireen Manchester United, Ruud van Nistelrooy ayuu rikoodh ka jebiyay.

Ronaldo goolkiisii Paris wuxuu ahaa midkii 14-aad ee uu ka dhaliyo 9 kulan oo xiriir uu u ciyaaray Champions league. Van Nistelrooy rikoodhka laga jebiyay wuxuu yahay in 9 kulan oo xiriir ah uu dhalinayay goolal Champions league  balse Sagaalka kulan wuxuu ku dhaliyay 12 gool, rikoodhka loo dhigayna waa in uu Ronaldo waqtigaas ku dhaliyay goolal ka badan kuwiisii oo ah 14 Gool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: