Goolhaye Talyaani ah oo Roose la siiyay Markii uu Garoonka ku dhex Kaadiyay!!

Goolhaye u dhashay dalka Talyaaniga ayaa Garoonka laga saaray, isagoo roose qaba, markii uu sameeyay la yaab ahaa, in uu ku Kaadiyay Shabaqa dhiniciisa.

Armando Prisco, wuxuu u ciyaaraa Serie D kooxda joogta ee Merrina, wuxuu ku jiray Goosha dhexdeeda, kulankii Sicilian derby ee ay la qaadaneysay kooxdiisu Igea Virtus.

Wiilkan oo 21-jri ah ayaa caba 3 Liitar oo Biyaha Sifeysan ah Maalintiiba, waxaa lasoo bandhigay isaga oo is yeelyeelaya “Wuxuuna iska dhigayay nin la sintay Birta.”

Isagoo la hadlayay GianlucaDiMarzio, wuxuu yiri: “Waxaan ka gudbay markii hore Caagga Biyaha waxaan soo galnay Garoonka, waxyar ka hor is kululeynta kulanka, waxaan ku laabanay qeybta dhar beddelashada, balse durba waan kasoo baxnay fursadna ma aysan jirin.

“intaas ka badan waan heyn waayay. Waxaan u dhaqaaqayay sida qof waalan oo kale. Waxyar keddib ayaan arkay ciyaarta oo Beddel taaganyahay, waxaan fursadda Beddelkaas uga faa’iideystay in aan Kaadiyo.

“Waxaan isku deyay in aan metelo nin Boorka Xayeysiiska meel ka xageysa wax kasoo qabsanaya… qofna ima uusan Arag marka laga reebo Garsooraha, Nasiib Darro.

“Si dhaqso leh ayaan raalli gelin uga bixiyay mana aanan cabanin, waayo waxaan doonayay in aan Sharciga u hoggaansamo. Ma dooneyn in aan caddeeyo, waxaan ku iri waxba maanan sameyn.

“Waan ogahay in aan qaldanaa, balse xaqiiqdii ma aanan isku celin karin, intaas ka badan!”

Laacib kooxda kala tirsan ayaa xirtay Faragashiga Goolhayaha isagoo ku dhammeeyay ciyaartana 0-0.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: