Bayern Munich oo dalab u dirtay laacibka Alvaro Morata, si uu Beddel ugu Noqdo

Chelsea weeraryahankeeda Alvaro Morata ayaa wuxuu ka mid yahay diiwaanka sare ee Bayern Munich wuxuuna qeyb ka yahay xiddigaha ay kooxdu dooneyso in ay beddelaan Robert Lewandowski, kaasoo la rumeysanyahay in uu aadayo Real Madrid dhammaadka xagaagan.

Laacibka dalka Poland ayaa ku biiray naadiga Bundesliga 5-sano ka hor isagoo iska diiday Madrid taasoo dooneysay in uu u beddelo Karim Benzema ha yeeshee hadda Zinedine Zidane ayaa rajo wanaagsan ka qaba in uu qaato laacibkaas.

Lewandowski hadda waa 30-jir wuxuuna ka dhaqaaqi doonaa bisha August naadigiisa iyadoo Bayern ay hadda dooneyso In ay laacibkii beddeli lahaa lasoo saxiixdaan.

Morata ayaa 4-sano ka yar laacibka Lewandowski iyadoo Bayern ay aaminsantahay in Chelsea ay diyaar u tahay in ay kala xaajooto saxiixa laacibkeeda kooxda reer Germany, xilli Stamford Bridge uusan qudhiisu ku joogin rabitaan dhammeystiran oo kooxdiisa ah, sida uu warinayo wargeyska AS.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: