Allegri oo digniin adag u diray kooxda Real Madrid

Safarka ay kooxda Real Madrid u geli doonto magaalada Turin si ay u wajahdo kooxda Juventus waa ciyaar aad u adag, waana ay soo dhowaaneysaa iyadoo Juventus macallinkeeda Massimiliano Allegri uu kulankan ku sheegay midka ay isaga hor imaanayaan kooxaha Adduunka ugu wanaagsan.

Waa kulamo aad u xoog badan, Allegri ayaa la dagaallami doonta naadiga AC Milan Usbuucan, iyadoo kulan Serie A ay ku kulmayaan, ka hor inta aysan ku aadin Real Madrid.

“Waxaan billaabi doonnaa kulamo aad u xoog badan waa in aan damaceenna sida uu yahay ku ciyaarno, damaceennuna waa guul,” Allegri ayaa ku adkeystay.

“Waxaan dhammaanteen u shaqeyn doonnaa sidii aan ku adkaan laheyn.

“Waxaan heysannaa Damac ah in aan garaacno naadiga ugu wanaagsan Adduunka, Real Madrid.

“Waxay ahaan doontaa ciyaar aad u xoog badan, balse mudnaanteennu waxay baaqi kusii tahay hanashada Serie A.

“Waan la dagaallami doonnaa Real Madrid inagoo xaqiiqo u ciyaar iyo Damacba ku dheeleyna.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: