Al-shabaab oo xiray Garoomo Kubadda Cagta lagu ciyaaro oo aan ka Fogeyn Madaxtooyada

Xarakada Al-shabaab ayaa amar ku bixisay in la xiro Garoomo kubadda Cagta ah oo ku yaalla Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho.

Garoomada loo yaqaan Sallaxa ayaa ku badan Magaalada iyada oo qaar ka mid ah milkiilayaasha Garoomadaas ay sheegeen in amarkii ugu dambeeyay xalay la siiyay oo ay sidaas ku xireen.

Al-shabaab ayaa dhawaan amar ay ku rogeen Degmooyinka kala ah Kaxda,Deyniile,Yaaqshiid iyo Hiliwaa lagu xiray Garoomada Kubadda Cagta ee loo yaqaan sallaxa.

Garoomada hadda la xiray ee amarka ugu dambeeyay xalay helay ayaa waxaa ay ku yaallaan Waddada Maka Al-Mukarrama ee Magaalada Muqdisho, waddadaas oo Iridka u marta Madaxtooyada Soomaaliya.

Mid ka mid ah Milkiilayaasha Garoomada oo xalay amar lagu siiyay in uu xiro Garoonkiisa ayaa wuxuu sheegay in amarkaasi xalay lagu rogay islamarkaana uu ku qasbanyahay in uu Xiro.

Al-shabaab iyo Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda Soomaaliya midkoodna kama hadlin arrintan ku cusub Magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: