Warbixin: Maxaa ka ogtahay Xiddigaha ay kala iibsadeen Kooxaha waa weyn ee Horyalka Premier League?

Daraasad dib Xusuusin ah ayaa lagu sheegay Sida ay isku dhaafsadeen Ciyaartoyda Kooxaha Premier League-ka tan iyo Qarnigii tagay.

Alex Sanchez ayaa ku biiri doono Liiskaan waa hadii uu go’aamiyo in uu ku biiro Labada Kooxeed ee isku Magaalada ah ee Machester City iyo Manchester United oo hadda labaduba ay xiiseenayaan, dalabaadne ay ka gudbiyeen.

Ciyaartoydaan waxaa ugu horeeyo Carlos Alberto Martínez Tevez(£47million) Xilli Ciyaareedkii 2009 ugu Soo dhaqaaqay Man UTD isagoona ku biiray Man City.

 

Ciyaar yahanka Xiga Waa Ciyaar yahanka Joogga Dheer ee Sheyi Emmanuel Adebayor una dhashay Wadanka Togo, (£25m) ayuu Arsenal ugu dhaqaaqay Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester City Xagaagii  2009.

 

Ciyaar yahanka Saddexaad waa Kolo Abib Touré Kana Soo jeeda Ivery Coast ama Côte d’Ivoire hadba sida aad u taqaan, (£14m) ayuu Manchester City ugu dhaqaajiyey Liverpool Xilli Ciyaareedkii 2009-kii, walloow Isagoo Xor ah Liverpool kasii tagay Sanadkii 2013.

Markaane Waa 33-jirka reer Spain ee Fernando José Torres Sanz waxaa isku maray Liverpool ayuu Chelsea kaga Caraabay (£50m) Xagaagii 2011.

 

Ciyaar yahanka Kaalinta 5-aad kasoo galay Liiskaan waa Ciyaar yahankii Khadka Dhexe Portugal Raul José Trindade Meireles,  Liverpool ayuu ka tagay isagoona ku biiray Chelsea Adduun lacageed gaaraye (£12m) Xagaagii 2011.

30-jirka Reer France Samir Nasri ayaa Liiskaan kasoo Muuqday,  Kooxda Kubadda Cagta ee Arsenal ayuu ku Macsalaameeyey (£25m) Xilli Ciyaareedkii 2011, waxa uuna ku biiray Kooxda Manchester City.

Halyeygii Holland Robin Van Persie (£24m) Arsenal ugu biiray Manchester United Xagaagii 2012-kii, isagoona Waaye Ciyaareed kale ku qaatay halkaa.

Ciyaaryahanka 8-aad waa Juan Manuel Mata Waxa uuna u dhashay Wadanka Spain, (£44m) Suuqii kala Iibsiga ee 2014 ayuu Chelsea kaga soo biiray Kooxda Manchester United.

Markane waa Ciyaar yahanka Asalkiisa kasoo Jeeda Ghana Balse Dhalasha England Qaatay ee Daniel Nii Tackie Mensah Welbec, waxa uu (£16m) 2014 kaga soo tagay Manchester United isagoona ku biiray Kooxda Arsenal.

Ciyaar yahanka 10-aad waa Petr Čech Gool hayaha Czech (£10m) ayuu Chelsea kaga soo Dhaqaaqay isagoona Arsenal ku biiray 2015.

Raheem Shaquille Sterling Ciyaar yahanka Asalkiisa kasoo Jeeda Jamaica balse qaatay Dhalashada England  (£49m) ayuu Liverpool kaga biiray Kooxda Manchester City oo illaa iminka uu u safto Xagaagii 2015.

Ciyaar yahan Nemanja Matić Mashiinka qadka dhexe ee Asal ahaanta kasoo jeeda Serbia balse qaatay Dhalashada Slovakia ayaa (£40m) Sanadkii 2017 Chelsea ugu dhaqaaqay Kooxda Manchester United.

Dambeydka Midig ee England Kyle Andrew Walker ayaa kasoo muuqday Liiskaan Ciyaartoyda isku dhex dhaafay Kooxaha ugu waa weyn ee Ingiriiska, Tottenham ayuu Manchester City ugu biiray (£50m) 2017.

Ciyaar yahanka ugu dameeyo waa Alexander Mark David Oxlade-Chamberlain waxa uu Arsenal kaga dhaqaaqay Kooxda Liverpool adduun lacageed gaaraya (£35m) Sanadkii aynu dhawaan Macsalaameynay 2017.

Alexis Senchez ayaa laga wada dhowrayaa kooxda uu ugu dambeyn diiwaankaan kasoo gali doono labada Manchester oo lacago waali ah ku doonaya, kana dhaxeeyo Xifaaltan dhanka Heshiis la saxiixashadiisa ah.

SANCHEZ ayaa ku biiri kara middood, kooxaha Man City, Chelsea ama Man Utd, waana laacib kale oo ka mid noqon doona xiddigaha lagu kala qaatay Gudaha Horyaalka England, jeer ay kooxo xifaaltama ay yihiin dhammaan Naadiyadaas.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: