Real Madrid oo garaacday Leganes & Marco Asensio oo kasoo Ifay kulankii Copa del Rey

Real Madrid ayaa waxay gurigooda kusoo garaacday kooxda Leganes iyadoo goor dambe uu goolka guusha u dhaliyay laacibka Marco Asensio si ay naadigiisu Copa del Rey quarter-final lugta koobaad u hoggaamiyaan ka hor kulanka isku laabadka oo ka dhici doona Bernabeu.

Dhibaatada ay Real Wajaheysay waxaa ka mid ahaa in Taageerayaashu aysan aqbali Karin in kooxdu aysan guulo la taaban karo gaarin kulamadii u dambeeyay.

Asensio ayaa dhaliyay daqiiqaddii 89-aad ee kulanka si ay u guuleystaan kooxdiisa Real xiddigaheeda weerarka Cristiano Ronaldo, Gareth Bale iyo Karim Benzema dhammaan waa la nasiyay.

Kulanka labada kooxod ayaa kusoo Idlaaday 1-0 oo ay ku badisay Real, kulanka dambe ayaa ka dhici doona Garoonka Bernabeu.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: