PSG waxay dhalisay 106 gool Sanadkan, Real Madrid waxay mareysaa 68 gool, Amaa Real 8 lagu dhuftaa? Lama Huraan la Filan karo!!

Paris Saint-Germain markii ay 8-0 ku dirtay Dijon waxay kooxdani noqotay mid durba dhaafta goolasha100-ka ah xagaagan waxayna mareysaa 106 gool kaliya 31 kulan oo ay ciyaartay taasi waxay Real Madrid, uga dhigantahay Cadaw xoog badan ayey wajaheysaa Champions League.

Kooxda Faransiiska ah ayaa hurdada ka toosin karta Real, in kastoo Waaya Aragnimadeedana looga Baqi karo, 22 kulan ayey kooxdan PSG goolal xiriir u dhalineysay tan iyo 0-0 kulankii ay la galeen Montpellier ee dhacay September 23-keedii.

Waxay la macno tahay, Zinedine Zidane kooxdiisa oo heshay 68 gool kulamo gaaraya 33 in ayba ku dhowyihiin Neymar, Cavani iyo Mbappe kaliya, kuwaas oo dhaliyay 67 gool. Haddii aad fiiriso Madrid iyo bandhigga BBC wuxuu hadda marayaa in la illoobo.

Kaliya Cristiano Ronaldo oo xeeladeysanaya ayaa leh 16 gool tartamada oo dhan, halka Gareth Bale iyo Karim Benzema ay heystaan. Wadarta 33 kulan, BBC ayaa waxay la yimideen 28 gool taasoo ka dhigan in aysan kooxda oo dhan bandhig fiican sameynin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: