Jose Mourinho oo   Pogba sifo cajiib ah  ku tilmaamay kadib guushii Stoke City

Manchester United  macallinkeeda ayaa amaanay ciyaaryahaanka khadka dhaxe ee Paul Pogba. Waxaana uu ku sifeeyay qaab ciyareydka kooxdiisa inuu isu badalay Pogba.

 

Paul ayaa xalay caawiye ka ahaa labo gool xili kooxda United 3:0 Old Trafford ay ugu awood sheegatay Stoke City kulan Premier Leagud katirsanaa

 

24-sano jirkaan faransiiska u dhashay ayaa kujira xili ciyaareyd cajiib ah. Sagaal caawin ayuu sameeyay halka saddax goolna uu dhaliyay 13-kulan uu ciyaaray horyaalka.

 

 

 

 

Mourinho ayaa si cajiib ah u amaanay wiilka khadka dhaxe ka ciyaara. Asigoona sheegay United inee iskau badali doonnto [Pogba Team]

 

“Waxa uu kubada ula dhaqaaqaayay si cajiib ah oo wanaagsan. Baasaas dhaadheer ayuu u gadinaayay hadba meel. Asigoo dhibaato ku abuuray kuwa naga soo horjeeday”

 

 

Jose hadlkiisa waxaa uu raaciyay. “Waxa uu sameeyay caawinaad. Haddii uu dhalin lahaa laadkii xurta ee ugu dambeeyay. Waxa ay runtii u noqon laheyd abaar-marin”

 

 

“Waxaan qabaa Pogba inuu ku faraxsanyahay qaab kooxda ay u ciyaarayso. Waa uu faraxsanahay maxaa yeelay koox ayaa badshay qaab ciyaareydka. Qaabka ciyaareydka waxa uu isku badali doonaa jahadiisa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: