FALANQEYN: Chelsea vs Leicester City, Blues waxay dooneysaa in ay kusoo Noqoto Kaalinta 2-aad & Safafka la filayo

Kooxda chelsea ayaa garoonkeeda Stamford Bridge ku soo dhawayn doonta kooxda Leicester city kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka Premier league.

Chelsea ayaa kulanka soo galaysa iyada oo doonaysa in ay ku soo laabato wadada guusha kadib bar-barihii ugu dambeeyay ee ay la gashay kooxda Arsenal kulankii Leageu cup-ka.

Dhanka kale kooxda dacawooyinka lagu naaneeso ayaa doonaya in ay ka aarsadaan kooxda difaacanaysa horyaalka oo garoonkooda ku soo garaacday lugtii hore.

-WARBIXINTA KULANKA

Kulanka: Chelsea Vs Leieeter city

Tartanka: Premier League

Wakhtiga: 06:00Pm Maqribnimo

Garoonka: Stamford Bridge

-XAQIIQOOYINKA KULANK:

Chelsea ayaa laga badiyay kaliya hal kulan 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda Leicester city premier league.

Antonio Conte ayaa badiyay 25 ka mid ah 30 kulan ee ugu horeeya horyaalka Premier league, Ma jiro tababare Premeir league ah oo badiyay 30-kiisa ugula ee ugu horeeya horyaalka.

Leicester city ayaa dhalisay ama laga dhaliyay 13 gool 22-kii kulan ee ay ciyaartay horyaalka ilaa haatan waana kooxda ugu badan ee sidaa samaysa.

Jamie Vardy ayaa dhaliyay goolal badan marka uu ka hor yimaado 6-da kooxood ee ugu waaweyn waana xiddiga ugu badan ee sidaa sameeya 22 gool ayuu ka dhaliyay 41 kulan oo uu ka hor tagay tan ilaa bishii August 2014.

SAFAFKA LA FILAYO EE LABADA NAADI

Safka Chelsea: Courtois, Azpilicueta, Christensen, Cahill, Moses, Kante, Fabregas, Alonso, Hazard, Pedro, Morata

Safka Leicester: Schmeichel, Amartey, Dragovic, Maguire, Fuchs, Mahrez, Ndidi, James, Albrighton, Okazaki, Vardy

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: