CHAN 2018: Namibia oo daqiiqaddii u dambeysay gool dhashay kaga badisya Ivory Coast

Kooxda markii ugu horreysay ka qeyb qaadaneysa ee Namibia ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay ku dhalisay gool si ay guul uga gaaraan Group B ay kula ciyaareen Ivory Coast 1-0 ayeyna ku dhammaatay ciyaartii ka tirsaneyd African Nations Championship (CHAN) oo ka socda Morocco.

Waxay aheyd guul waalli ah wixii ka dhacay garoonka Marrakech, iyadoo ay maalintii labaad xiddiguhu is tijaabin adag wajahayaan.

Difaaca Charles Hambira ayaa madaxa ku dhaliyay gool ka hor inta aan seeriga laga yeerin iyadoo Namibia ay kulankaan ka abuurtay Fursado dahabi ah.

Fursaddii ugu wacneyd waxaa qeybta hore ay soo martay Namibia laacibkeeda Petrus Shitembi wuxuuna fursad fiican ka helay gudaha diilinta Ganaaxa, balse Ivorian goolhayaheeda Ble Zadi ayaa ka badbaadiyay.

Ivory Coast waxaa sidoo kale fursad naxdin badan ku helay Ferdinand Karongee oo abuuray fursad aad u khatar badneyd.

Uganda ayaa lagu garaacay dhankeeda 3-1 ayuuna ku maray xulka Zambia ciyaartii Axadda ee Group B.

Sudan ayaa dhankeeda 2-1 ku dirtay xulka Guinea, waxaana ay aheyd ciyaar kale oo xiiso badan oo ka tirsan koobka Chan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: