Barcelona oo Guul ay 11-sano Raadineysay ka gaartay Real Sociedad

Kooxda Barcelona ayaa marti u noqotay naadiga Real Sociedad, waxayna ciyaar xiiso badan oo ka tirsan La Liga ku qaateen labada kooxood Garoonka Estadio Anoeta oo Barcelona aysan ku badin tan iyo 2007dii.

Ciyaartii xiisaha Badneyd ee Xalay waxay kooxda Barcelona garaacday naadiga Sociedad, jeer aysan 11sano uga soo badin Gurigeeda.

Rikoodhada uu kulankan la gaarka ahaa waxaa ka mid ah, in Barcelona ay jebisay rikoodh foolxumaa oo ay ku heysatay garoonka Estadio Anoeta, in ay kasoo Laabatay 2-0 la gaarsiiyay isla ciyaartan oo ay ka dhigtay 4-2, sidoo kale in ay tahay Kooxda kaliya ee aan weli laga adkaan ciyaaraha Horyaallada waaweyn ee Yurub.

Barcelona iyo Man City ayaa ku gaar ahaa in aan la garaacin ciyaaraha Horyaalkooda, balse Ciyaar dhacday xalay ayaa City waxaa ku garaacday Liverpool oo ka jebisay rikoodhkii Garaacis la’aanta ahaa ee ay horyaalka ka heysteen.

Barca ayaa kasoo Noqotay Laba gool oo ay ka dhaliyeen Willian Jose iyo Juanmi, waxaana qeybta hore lagu kala Nastay 2-1 Barca hoggaanka looga hayo goolkeeda horena waxaa u dhaliyay Paulinho.

Suarez oo Laba Gool dhaliyay iyo Messi oo Bulisyoon Shabaqa ku hubsaday ayaana Barca ka caawiyay in ay garaacdo Sociedad.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: