Andres Iniesta oo seegi doona   Catalan derby

 

Kabtanka kooxda  Barcelona Andres Iniesta ayaa   ka maqnaa tababarka kooxdiisa  ee  maanta oo talaado ahayd, taasoo ak dhigan in laacibkan booska dhexe ka dheela uu ka maqnaan doono kulanka Coppa Del rey oo ay kooxdiisa wajahi doonto kooxda Spanyol pp ay magaalo wadaag yihiin.

 

Maadaama uusan dhaawac ligta midig ka gaaray uusan kasoo kaban , waxaana dhanka kale   farxad u ahayd Barca  uu daafaceeda  Nelson Samedo oo kooxda tababar la qaato.

 

Barca ayaa dhanka kale u  yeeratay laba ciyaarayahn oo   kooxda labaad   ka tirsan,  Alberto varo oo goolhaye ah iyo  iyo Carlos Alena  ooo qadka dhex e ka ciyaara kaasoo no- 10 u sita da’yarta kooxda barca.

 

Macallinka kooxda Barca Ernesto Valverde ayaa  ku dhawaaqi doona   ciyaartoydiisa   kulanka Derby Catalan ka hortageysa kooxda Spanyol isago maanka ku haya in  Kabtankiisa  Iniesta uu ka maqnaan doono.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: