Aamir Khan mase SS Rajamouli? Midkee loo dooran doonaa Jilliinka Filimka Mahabharat

Laba Libaax oo dhinaca Dhigidda Aflaanta ah ayaa isku haya in ay soo bandhigaan Filimka Mahabharat kaasoo shaashadaha kasoo muuqan doona isagoo Qalinka aan Dahabka ka qiimo jabneyn ah.

Waxaana Aamir Khan uu horay u qorsheynayay in Sanadka Cusub uu keeno 5 film wuxuuna yeelan doonaa dhowr qeybood filimka Mahabharat, filim dhigaha caanka ah S S Rajamouli, oo wacdare ka dhigay isaguna intuu ka muuqday Baahubali, ayaa ka mid ah dadka lala xiriirinayo in ay sameeyaan Mahabharat sida uu ka dhigi karana Su’aal ayaa ku taagan.

Waxaa hadlay Rajamouli oo yiri, “Uma maleynayo in aan saameyn aad u weyn ku yeelan doono Mahabharat, waayo hadda wax fekrad ah kama heysto. Waxay baahantahay in la qorsheeyo. Waxaan doonayaa in aan ogaado kaalinteyda Mahabharat waana dhigayaa markaas.

Ma ahan wax hadda aan garan karo. Haddii Aamir Khan uu doonayo in uu dhigo waa heshiis Cajiib ah qorshuhuse waa in uu iga dhaadhacaa. Waan Hubaa Amir in uu kasoo Bixi doono Filmka haddii uu qaato.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: