Kulanka Taageerayaasha Maamul Goboleedyada, Banaadir vs Galmudug

Ciyaar xiiso badan oo ka tirsan tartanka Maamul Goboleedyada dalka ayaa maanta dhexmari doonta kooxaha ku kala ciyaaraya Magaca Galmudug iyo Banaadir.

Galmudug waa kulankeedii koobaad ee Tartanka, halka Banaadir ay ciyaareyso kulankii labaad iyadoo Guul ka heysata kulankii koobaad kooxda Jubbaland.

Waxay labada xul ku wada jiraan Guruubka 1-aad iyadoo ay ku seddaxeyso kooxda Jubbaland.

Kulankaan ayaa loo yaqaan midka Taageerayaasha, maaddaama ay labada Gobol leeyihiin taageerayaasha ugu badan ee Garoonka soo xaadira ciyaaraha Gobollada dalka.

Sanadkan waxaa markii labaad oo xiriir ah marti gelinaya Gobolka Banaadir, markii Sababo Amni iyo Farsamo looga soo wareejiyay Gobolka Jubbada hoose oo ahaa kan marti gelin lahaa.

Kulan xiiso leh.

BANAADIR VS GALMUDUG.

Natiijadiisa kala Soco Gooldhalin.com 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: