Barcelona Oo Ka Cabsi Qabta In Samuel Umtiti Uu Ku biiro Manchester United

Natiijada sawirka Samuel Umtiti Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka welwelsan tahay qandaraaska lagu burburin karo daafaca kooxdaasi ee Samuel Umtiti  oo ah 54 milyan oo ginni, taasoo Manchester United dooneysa inay soo iibsato.

24-jirkaan ayaa haatan dhaawac uga maqan kooxda, ayaa si wanaagsan ugusoo muuqday Camp Nou tan iyo markii uu kaga soo biiray kooxda Lyon lacago dhan £ 25m .

Sida laga soo xigtay wargeyska Daily Mail, madaxda Barca ayaa isha ku haya qaabka ay United uga ceshan laheed, halka Manchester City sidoo kale ay il gaar ah kuhayso xidigaan.

Iyagoo ka jawaabaya kooxda reer Catalan ayaa la sheegayaa inay miisaameyso qandaraaska cusub taasoo ka dhigeysa qiimaha xiddiga heerka caalami ee Fabregas uu sii kordhayo.

Umtiti ayaa 12 jeer kasoo muuqday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan, iyo shan jeer oo tartanka Champions Leaga ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: