YURUB: Xiddigaha waaweyn ee aadan Aqbali doonin, balse seegi kara ka qeyb galka Koobka Adduunka 2018-ka iyo sababta!!

Iyadoo ay xulalka qaar ee UEFA xaqiijiyeen usoo gudubka Koobka Adduunka, sidoo kale waxaa jira xulal u dhow soo bixidda, qaar badan oo ka mid ah xiddigaha ugu fiican Europe ayaa ka maqnaan doona Koobka Dunida.

Dalalka qaarkood ma aysan shaqeynsan in ay xaadiraan Russia.

Arjen Robben (Holland)

Iyadoo France iyo Sweden ay wajahayaan ciyaaraha ugu dambeeya ee Guruubkooda, Holland waxayba halis ugu jirtaa in ay lumiso ka qeyb galkeeda World Cup, balse sidoo kale waa kuwii ka maqnaa Euro 2016.

Haddii ay 2010 kaalinta labaad galeen, waxay la macno tahay markaas in taageerayaashu waayi doonaan Arjen Robben.

Cristiano Ronaldo (Portugal)

Cristiano Ronaldo, waa ninka heysta Ballon d’Or, waa laga yaabaa in uusan tegin Russia.

In kastoo Portugal ay heystaan kulankii u dambeeyay, haddana waxay aadi karaan is reereeb kale haddii Switzerland ay ku dhammeysato meesha sare ee Group B.

Gareth Bale (Wales)

Wales ayaa rajo ka qabta ka qeyb galka World Cup balse waxay la ciyaari doonaan Republic of Ireland Isniinta, balse laacibkooda sare Gareth Bale hadda waa uu dhaawacanyahay, koobkana wuxuu ku seegi karaa in ay haraan.

Luka Modric, Mateo Kovacic iyo Ivan Rakitic (Croatia)

Seddaxda laacib ee LaLiga ka mid ah kuwa ugu khad dhexe fiican ayaa xulkoosa Croatia waxay ku jiraan halis soo gudbidda xaggeeda ah, iyagoo ku fashilmay Usbuucan in ay garaacaan Finland.

Waa in ay si weyn uga badiyaan Kosovo si ay fursad ugu helaan usoo gudubka koobka dunida.

Gianluigi Buffon (Italy)

Goolhayaha waaya Aragga ah Gianluigi Buffon waa xiddig kale oo khatar ugu jira in uu seego 2018 World Cup, wuxuuna u baahanyahay xulkiisa Italy in ay ciyaaraha bug-baxda kasoo baxaan.

Kasper Dolberg iyo Christian Eriksen (Denmark)

Denmark waa xul kale oo ciyaari kara ciyaaraha is aragga ah, waxayna ka dhigantahay in aan Russia arki doonin Kasper Dolberg iyo Christian Eriksen haddii aysan soo dhaafin ciyaarahaas.

Marek Hamsik iyo Jan Oblak (Slovakia iyo Slovenia)

Waa kulanka u dambeeya ee ciyaaraha Group F, Scotland, Slovakia iyo Slovenia ayaana ah kuwa dagaalka ugu jira in ay usoo gudbaan ciyaaraha is reereebka kale ah.

Dhibaatada ugu badan waxaa wajahaya Napoli wiilkeeda Marek Hamsik iyo goolhayaha Atletico Madrid Jan Oblak.

Miralem Pjanic iyo Eden Dzeko (Bosnia iyo Herzegovina)

Bosnia iyo Herzegovina waxay ahaayeen 1 xul oo wada jiray 2010 World Cup, balse wey ku kala baxeen, Miralem Pjanic, Eden Dzeko iyo Saaxiibadood. Waxay isku deyi doonaan in ay ku nasiibsadaan soo gudubka si ay ugu dhammeystaan kaalinta 2aad ee Group H.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: