Xulka Gobolka Banaadir iyo Kooxda Elman oo maanta Kulan xiiso leh yeeshay

Xulka kubadda cagta Gobolka Banaadir ee ka qeyb geli doona koobka Gobollada dalka ee ka dhacaya magaalada Kismaayo ayaa maanta kulan tijaabo ah la qaatay kooxda Elman ee horyaalka heerka koobaad ee dalka.

Ciyaartoyda Gobolka ayaa wada is diyaarintii ugu dambeysay ee tartanka Maamul Goboleedyada oo Sanadkan ka dhacaya Kismaayo, waxaana kooxda Elman ciyaartii ay maanta la qaateen ay ku dhammaatay 1-1.

Elman oo goolka ku horreysay waxaa u dhaliyay Maxamuud Meyman oo dhaliyayna goolkiisii koobaad ee tan iyo imaatinkiisa kooxda.

Waxaa isla qeybta hore ee ciyaarta soo celiyay goolka garab dhacana u keenay Xulka Gobolka Banaadir laacibka Isxaaq oo ka mid ah xiddigaha sanadkan uu Gobolka Banaadir la shirtegi doono.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: