Dableey toogasho ku dilay Didier Drogba-ha Cusub ee xulka Ivory Coast

Laacib heer sare oo wanaagsan ka joogay kubadda cagta ee Yurub ayey koox burcad ah Toogasho ku dileen isagoo ku sugan Africa.

Weeraryahan Georges Griffiths, ayaa u ciyaarayay kooxda ka dhisan horyaalka Czech ee Sparta Prague sidoo kale wuxuu soo maray kooxda Hungary ka dhisan Premier League ee Diosgyor, wuxuuna ku dhintay dalkiisa Ivory Coast.

Wiilkan oo 26-jir ahaa, ayaa booqasho ku joogay magaalada xarunta dalkiisa ah ee Abidjan, waxaana soo weeraray koox burcad ah isagoo marayay meel u dhow suuqa Cocody Fiidkii Khamiista.

Laba nin oo Burcad hubeysan ah ayaa isku deyay in ay qaataan Griffiths gaarigiisa oo nuuciisu yahay Mercedes 4×4, waxayna xabbado ku dhufteen 6fiit iyo 4inji wiilka ah kaasoo la sheegay in uu diiday in furaha Gaariga uu ku wareejiyo tuugada dishay.

Isbitaalka ayaa loola cararay, balse dhaqaatiirtu wey ku guul darreysteen in ay badbaadiyaan.

Weeraryahanka ayaa la sheegay in uu yahay Didier Drogba-ha Cusub ee xulkiisa iyo kubadda cagta Yurub, wuxuuna 3 mar u saftay xiddigaha Ivory Coast ee ka yar 23-jirrada sanadkii 2011-ka.

Wuxuu kasoo billaabay ciyaarihiisa dalka Ivory Coast wuxuuna u ciyaaray Sirocco iyo Indenie, wuxuu keddib Amaah ugu dheelay Sparta Prague ka hor inta uusan ku biirin kooxda Hungarian-ka ah ee Lombard-Papa oo la saxiixatay sanadkii 2013.

Griffiths ayaa ku biiray kooxda kasoo horjeedday ee Diosgyor sanad keddib markaas, isagoo 3 xagaay halkaas ku sugnaa.

Wuxuu u saftay 34 kulan kooxdaas, 8 gool ayuuna u dhaliyay.

 Georges Griffiths was shot dead by car-jackers in his native Ivory Coast

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: