VIDEO: Chelsea oo guul gaartay, Zappacosta waa uu dhaliyay, Blues waxay barbarreysay rikoodhkeedii ugu badnaa ee goolasha Champions League

Kooxda Blues – ayaa kusoo laabatay ciyaaraha Europe waxayna si weyn u guuleysatay ciyaarteedii koobaad ee xalay – waxaa la nasiyay xiddigo safka koobaad ah, iyadoo ay wajahayeen kooxda reer Azerbaijani ee Qarabag, balse guushu weli wey sahlaneyd.

Pedro ayaa dhaliska billaabay isagoo 20-yaardi ka toogtay goosha.

Italy difaaceeda midig Zappacosta, ayaa kusoo billowday kulankiisii ugu horreeyay ee Blues, wuxuu kasoo orday meel 50 mitir goosha u jirta, ka hor inta uusan koroos uu soo dhigay dhaafin goolhaye Ibrahim Sehic.

Cesar Azpilicueta ayaa kooxda gurigeeda la joogay madaxa ugu dhaliyay gool halka Cesc Fabregas uu soo abuuray kubaddaas.

Willian ayey uga dhacday birta kore, ninka beddelka ku yimid ee Tiemoue Bakayoko ayaana dhankiisa dhaliyay goolkiisii ugu horreeyay ee Blues.

Batshuayi ayaa keddibna dhaliyay 2 gool daqiiqadihii u dambeeyay ee 15-ka ahaa.

HALKAN KA DAAWO GOOLASHA

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: