Roy Hodgson oo loo magacaabay macallinka cusub ee Crystal Palace

Roy Hodgson ayaa hoos u dhigay laba dalab oo qaali ah oo uu ka helay horyaalka China maxaa yeelay wuxuu rumeysnaa in mar uun uu shaqo gudaha England ah heli doono.

Tababare Hodgson, ayaa hadda la wareegay shaqada Crystal Palace wuxuuna saxiixay laba sano oo qandaraas ah keddib raacdeyntii macallin Frank de Boer ee Isniinta, kaasoo shaqada laga eryay 5 kulan oo uusan guul iska daaye garab dhac iyo goolalba kooxda u keenin.

Wuxuu sheegay macallinka cusub in uu ku kalsoonyahay in is beddel uu keeni doono weliba sida ugu dhaqsaha badan.

Macallinkii hore ee xulka England ayaa aad u doonayay in uu kasoo muuqdo koox heerka kore ee England ah, ka gadaal markii uu shaqada qaranka ka tegay ciyaarihii Euro 2016 markii ay cashar kala soo laabteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: