Man Utd, Chelsea, Arsenal iyo kooxo kale oo ku dagaallamaya saxiixa Muller

Bayern Munich xiddiggeeda Thomas Muller ayaa waxaa wada doonaya Afarta ugu sarreysa horyaalka England, waxaana la sheegayaa in uu dhammaad ku dhowyahay waayihiisii Allianz Arena, sida uu warinayo Sport Bild.

Premier League seddaxda kooxood ee ka dhisan Arsenal, Chelsea iyo Liverpool, oo lagu daray kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee Juventus, waxay dhammaantood u heellanyihiin soo qaadashada Muller, haddii loo oggolaado in uu ka tago Bayern.

Si waliba macallin Carlo Ancelotti ayaa dafiray in uu laacibka meesha ka dirayo marba haddii uu soo qaatay James Rodriguez taasoo uu ku sheegay in soo qaadashada laacibkan aysan la macno aheyn in Bayern uu ka dirayo Muller.

Horay waxaa u xiiseyneysay Man Utd oo aysan jirin meel ay ku xaqiijisay in ay ka hartay xiisihii laacibkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

%d bloggers like this: